Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 24, 2024
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt oo la dardaarmayay Soomaalida,,kana hadlayey aqoontiisa Dibomaasiyada, waxa uu qoray sidan:- “Haddii Qof kugu qabsado Gurigaaga,adigoo Xaqdaradaasi la yaaban,ka waran hadday dadka kugu dhahaan Xaaladda dejiya oo arinta wada-hadal ku dhameeya,Damaacinta Itoobiya ee badda Soomaaliya sidaas ayay la mid tahay . Soomaalidu waa in aanay maanta isku furin daaqad shar ah oo aan hada kadib weligeed xirmi doonin, Dawladda Soomaaliyana waxaan kula talinayaa in aanay Gorgortan Jilicsan Dhulkeeda Itoobiya kala gelin .

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

Mevlut waa uu si waday hadalkiisa “in badan ayaan diblumaasiyada ka soo shaqeynayay,waan aqaanaa arimahan iyo ifafaalaheeda,maalintaad ogolaataid arimahan oo kale inaad wada hadal ka gashid adiga ayaa lumiyay qiimihii uu ku lahaa dhulkaagu,iyo sharafkaagii oo ah xuduudkaaga .Dadka iyo dawladaha kartida leh waxaa lagu gartaa astaamo gaar ah, dadkaasi wakhtigooda kuma lumiyaan calaacal iyo cabasho. Sababtuna waa inay og yihiin arrimaha dhacaya inay yihiin kuwo lagaga bixi karo adeegsiga caqliga, awood iyo karti iyo in aanay noloshu aheyn 100% mid mar kasta dhinaceeda saxda ah ku siinaysa, laakiinse loo baahan yahay halgan iyo inaad taqaanid wadada saxda ah ee aad xaqaaga ku soo dhacsan laheyd adigoon ka daaheyn.”

 

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey xadgudubka Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa yiri “Itoobiya waxaan soo istaajinay meel cidlo ah, Badeenna in xoog lagula wareegana ma ogolin, mana aqbalayno.” Mar uu weydiiyay Raiisul-wasaaraha Wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Hargeysa, haddi uu hirgalo Is-afgaradkii Itoobiya iyo Maamulka Soomaliland ayna gudaha Soomaaliya soo gasho sidee ka yeeleysiin, dagaal ma qaadin doontaa?, waxa uu ku jawaabay Ra’iisul-wasaare Xamsa, “ marka ay timaado dhul Soomaaliyeed, dowladaan iyo Dadka Soomaaliyeed gorgortan kama galayaan dhulka iyo Badda, wax kasta waa noo furan yihiin oo lagu difaaci karo”.

 

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan fartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline iyo Fly Dubai inay magaca SOOMAALIYA raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso Seddax maalmood ayaana loo qabtay inay arrinkaani ku saxdo. Haddii khaladkaasi ay sixi weydo waxaa shirikadda loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso. Balse Soomaaliya, kaliya ayay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.

 

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ku saabsan in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay duulimaadyadooda Hargeysa ka dhigaan “Hargeysa, Soomaaliya” halkii ay horay uga dhigi jireen “Hargeysa, Somaliland.” Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan inay xaqiijiyaan in hawada dalka oo dhan ay hoos timaado maamulkeeda, iyadoo aan wax aqoonsi ah loo siineynin maamulka Somaliland ee ku andacoonaya inuu yahay dal madax-bannaan.

 

War shalay ay soo saartay Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay si deg deg ah u dhaqan-galay amar kasoo baxay Arbacadii Hey’adda Duullimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo la duldhigay Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo sameeyay fal xad-gudub ku ah madax-bannaainda iyo midnimada dalka, iyadoo Shirkadahaan lagu wargeliyay in laga mamnuuci doono hawada Soomaaliya iyo duullimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka dalka haddii aysan 23-ka August 2024, boggagooda si rasmiga ah uga saarin magaca Somaliland, marka ay duulimaadkooda Hargeysa iyo Muqdisho ka hadlayaan, maadaama labada magaalo ay Soomaaliya kawada tirsan yihiin.

 

FlyDubai oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa bishii June ee sanadkan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho, hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991.

 

Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda. Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.

 

Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyey dadka reer Somaliland, oo u arkay arrintaan mid khatar ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida ay ku doodaan. Dadweynaha qaar ayaa si cad uga hadlay dareenkooda, iyagoo sheegay in shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay ku xadgudbeen qaranimada Somaliland oo ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka ee Muqdisho.

 

“Waxaan aad uga xunahay in shirkadaha diyaaradaha ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, markii ay u hogaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa.

 

Dhanka kale, maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana la sugayaa tallaabada ay ka qaadan doonaan shirkadahaas diyaaradaha ee u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Amarkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa magaca Somaliland ee loogu isticmaalayey duulimaadyada Hargeysa, taasoo muujineysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u dadaaleyso in Somaliland loogu arko qeyb ka mid ah Soomaaliya. Tani waxay ku noqotay dhabaha riyada gooni u goosadka ee maamulka Somaliland, taasoo ay ku riyoonayeen inay mar uun noqdaan dal madax-bannaan.

 

Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa soo kordhayay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa, taasi oo mar jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa: in ka badan 215 goobood oo kala duwan ayaa lagu xoreeyey khawaarijta

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay Japan

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay Japan

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay Japan

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In