Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan bahda caafimaadka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Mashruuca maanta la dhagax-dhigay waxa uu ka kooban yahay 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dr. Muungaab ayaa carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado ku-tiirsanaanta adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad.

Inta lagu guda jiray munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey muwaadiniinta in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusuusiyay in ka qaybgalka doorashooyinku yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo ka tarjumaysa sida maamulka uu u dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Previous Post

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Next Post

Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

Next Post
Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

Ra'iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In