Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu dhagax-dhigay mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iyo dayactirka xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagrafi) ee Dowladda Hoose ee Xamar. Mashaariicdan ayaa laf-dhabar u ah tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed oo waara. Waxa uu tilmaamay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isaga oo hoosta ka xarriiqay in “gacanna doorasho lagu galayo, gacanna amniga lagu sugayo, isla markaana la joogteynayo horumarinta iyo dib u dhiska.”

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Next Post

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Next Post
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In