Tuesday, December 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

C/casiis Xasan Cali waa wiil saddex iyo labaatan sano jir ah oo muddo toban sano uu la xanuunsanayay xanuun dhinaca wadnaha ah ayaa xanuunkaas awgiis la jiifa isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr Axmed Xasan Aadan oo ah dhaqtarka gacanta ku hayay wiilkaan xanuunsan ayaa sheegay in xaaladda wiilkan ay aad u liidato, isla markaana uu u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025

C/casiis Xasan Cali oo laga keenay Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxa uu kasoo jeedaa qoys dan yar ah, Aabihiis waxa uu ku geeriyooday magaaladda Muqdisho xilli uu ku guda jiray raadinta nolol maalmeedka qoyska, Hooyadiisana waxa ay ku xanuunsanaysa magaalada muqdisho.

Midowga ardayda Jaamacada Soomaaliya ayaa maanta deeq lacageed oo gaaraysa kun doolar u fidiyay wiilkaas, taasoo ay ugu tala galeen in ay kaga qeyb qataaan caawintiisa si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

Cabdullaahi Cumar Sheekh oo ah Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay hordhac u tahay caawimaad ay mar walba la garab taaganyihiin wiilkan xanuunsan.

Jaamac Xasan Maxamuud oo ah Hormuudka Arrimaha Ardayda ee Jaamacada Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan caawinta wiilkan xanuunsan.

Wiilkan ku xanuunsanaya Magaalada Muqdisho ayaa gacan qabasho ugu baahan dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

23

4

Previous Post

Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoono caan ah ku dilay deegaanka Ceel Cali “Dhageyso”

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoono caan ah ku dilay deegaanka Ceel Cali "Dhageyso"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025
0

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In