Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

garsoorKulan ay maanta yeesheen  xubno ka tirsan Garsoorka dalka  ayaa waxaa ka qeyb galay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir Xaashi Cilmi Nuur, Qareenno iyo garsoorayaal, waxaana lagu soo dhaweeyay go’ankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka iyo Guddoomiyihii racfaanka ee maxkamadda gobolka benaadir.

Luul Maxamed Taabit oo ah xubin ka tirsan garsoorka dalka oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaamtay in xilka ka qaadista guddoomiyihii hore ay ku timid da’a, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddoonka cusub.

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

“Degteerada uu soo saaray Madaxweynaha ee uu xilka kaga qaaday da’ahaan waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay garsoor ahaan inaan la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub”ayay tiri Luul.

Dr Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ahaa guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir ee shalay xilka laga qaaday ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha

“Waxaan ku faraxsanahay, oo aan ayidsanahay go’aankii Madaxweynaha, maadaama uu yahay Madaxweynaha dalka, sidaas darteed wax kale oo aan sheego ma hayo oo aan ka ahayn inaan ayido go’aankaas”ayuu yiri Xasan.

Dr Maxamed Maxamuud Maxamed Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii Madaxweynaha dalka, ayna la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare.

“Waxaan isugu nimid inaan ayidno, oo aan aqoonsano go’aankii Madaxweynaha, kaasi oo ahaa xilka qaadista guddoomiyihii hore ee Maxkamadda, isla markaana aan ku soo dhaweyno guddoomiyaha cusub o qeyb ka ah dar dargelinta howlaha garsoorka, waana la shaqeyneynaa”

Kulankan ayaa imaanaya xilli shalay degreeto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dalka xilkii looga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir.

Previous Post

Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub

Next Post

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar "SAWIRRO"

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In