Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashada Ivory Coast oo Sheegay in ay Qaban Doonaan Tartan Hufan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashada Ivory Coast oo Sheegay in ay Qaban Doonaan Tartan Hufan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga doorashooyinka dalka Ivory Coast ayaa arbacadii sheegay in ay qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah xilli madaxweyne Alassane Ouattara laga codsanayo in uu isa soo sharaxo, iyadoo baaqa mucaarad ah ee ah in uusan xaq dastuuri ah u laheyd la iska dhaga tirayo.

Doorashadan ayaa ah tijaabada ugu weyn ee laga gaaray xasiloonida nuqul ee ka dambeysay dagaalkii sokeeye ee koobnaa kaas oo 3,000 oo ruux ku dhinteen 2010 iyo 2011.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Doorka guddiga ee qabashada doorashada waa mid xasaasi ah.

Guushii  madaxweyne  Ouattara ee 2010 ayaa keentay qalalaase ka dib markii madaxweynihii xilligaas diiday in uu aqbalo natiijada codbixinta.

Guddiga qaran ee doorashadooyinka ayaa qorsheynaya in ay isbedel ku sameeyaan qaar kamid ah xubaha ayagoo la tashi la sameynaya dhammaan xisbiyada, sida uu Reuters u sheegay guddoomiyaha guddiga Ibrahime Coulibaly Kuibert.

“Hadafkeena kowaad waa in aan sameynaa hanaan lagu kalsoonaan karo isla markaana hufan ,” ayuu yiri.

Qabsoomidda doorashada madaxtinimada ayaa walaahow soo food saaray horaantii bisha markii uu geeriyooday ninka la aaminsanaa in uu bedeli doona madaxweyne Ouattara, ka dib markii 78 sano jir ah dhaqaalaha ku tashasusay uu sheegay in uusan isu soo sharaxi doonin doorashada mar kale.

 “Waligay idin kama niyad jabin”

Arbacadii, Isagoo ka jawaabayay codsiga rasmiga ah ee ugu yimid xisbigiisa RHDPR oo ah in uu isa soo sharaxo ayuu madaxweyne, Ouattara sheegay in uusan waligii niyad jabin ayaga.

Waxaa uu xubnaha xisbiga u sheegay in go’aankiisa kaga dhawaaqi doono khudbadda qaranka  oo la qaban doono 6 bisha soo aadan ee August.

Mucaaradka waxay leeyihiin sida uu dastuurka qabo labo muddo xileed ka badan looma ogola, laakiin Ouattara waxaa uu ku doodayaa in muddo xileedkiisa hore  in uusan lagu xisaabin Karin dastuurka cusub ee 2016 la soo saaray.

Musharaxiinta kale waxaa kamid ah Henri Konan Bedie, oo madaxweyne soo noqday 1993-1999 iyo hogaamiyaha xisbiga ugu weyn dalka  Ivory Coast ee PDCI.

Mr. Bedie ayaa telefishinka France 24 u sheegay in isaga iyo madaxweynihii hore  Laurent Gbagbo ay ku heshiiyeen in ay xisbiyada kale taageeri doonan marka ay dhacdo doorasho ku celis ah si looga adkaado Ouattara.

Gbagbo, ayaa ku nool hadda Belgium sanadkii hore ayaa waxaa dambi ku weyday maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, wali lama xaqiijin in uu musharax u noqon doono xisbigiisa FPI.

 

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Jubbada dhexe

Next Post

Tirada Dhimashada ee COVID-19 ee Mareykanka oo Kor u Dhaaftay 150,000 oo Kiis

Next Post
In ka badan 81-kun oo Qof oo Covid19 uu Ku dilay Caalamka.

Tirada Dhimashada ee COVID-19 ee Mareykanka oo Kor u Dhaaftay 150,000 oo Kiis

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In