Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan oo maanta gaaray magaalada Baydhaba

Idman Yahye by Idman Yahye
10 months ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan oo maanta gaaray magaalada Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa gaadhay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan ee Qaranka, kuwaas oo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay.U jeedka safarka Guudiga Doorashooyinka Madaxbanaan ayaa ku aadan sidii ay magaalada Baydhaba iyo deegaannada maamulkaba uga bilaabi lahaayeen, arrimaha ku aadan doorashooyinka qof iyo cod iyo diiwaangelintooda.

Guddiga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Baydhaba waxa ay kulamo latashi ah la yeelan doonaan, ardayda jaamacadaha, waxgaradka Koonfur Galbeed, dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, si loogu sameeyo wacyigelin iyo ka xogsiinta arrimaha doorashooyinka, iyagoona sheegay in la diiwaangelin doono cid kasta oo soo buuxisa shuruudaha codbixinta.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Waxaa xusid mudan in isla maantaba ay la kulmeen guddigu, duubabka iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo soo dhaweeyay in deegannada Koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Baydhaba, iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin shacabkeedu sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka qof iyo cod ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu horay u iclaamiyay in dalka ay ka dhacdo dagaalladii sokeeyo ee dalku uu galay kadib markii ugu horreysay.

Previous Post

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In