Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Kulanka oo si gaar ah loogu lafa guray qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciga Beeraha ee Aqalka Sare yaala, xogaha ku saabsan Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Beeraha iyo qorshayaasha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka uga degan Maamul Goboleedyada Dalka.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha guddiga Khayraadka Qaran Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, halka Masuuliyiinta Wasaaraddana uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Axmed Madoobe Nuunow.