Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire ayaa kulan miro dhal ah maanta la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Dhaqaalaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay sharciga Dhismaha Hayโadda Maalgashiga Soomaaliya, iyadoo uu Guddiga masโuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka waydiiyay suโaalo la xariira sharciga oo ay jawaabo lagu qancay ka bixiyeen Wasiir Beenebeene iyo masโuuliyiinta kale.
Sharciga dhismaha Hayโadda Maalgashiga Qaranka ayaa horay uga soo gudbay akhrintii koobaad waxaana uu kulankan imanayaa ka hor akhrinta labaad ee Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo.