Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Guddiga tartan cilmiyeedka oo go’aamiyay in la isku celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa wareegiiisa saddexaad waxaa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Sida xeerka barnaamijka dhigayo tartamaayasha labada degmo waxaa si isku mid ha loo weydiiyay min todobo su’aal oo ah su’aalaha loogu talagalay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyay in dhibcihii caawa ee labada tartame la shaacin doonin, isla markaana uu go’aamiyay in markale la isugu celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Benaadir, guddiguna uu dib ka soo sheegi doono sababta keentay in dib la isugu celiyo labada tartame.

Habeen dambe oo ah habeenka 23aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir oo uu guddiga go’aamiyay in la isku celiyo, waxaana tartanka koowaad uu dhici doonaa 7:30pm fiidnimo, halka ay isla habeen dambe saacaddu marka ay tahay 10:00pm is arki doonaan tartamayaasha Degmooyinka C/casiis iyo Kismaayo oo ka kala tirsan gobolada Benaadir iyo Jubbada Hoose.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kormeeray Warshadda Tababarka Maxaabiista (Sawirro)  

Next Post

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

Next Post
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In