Kulan aqoon is weydaarsi ah oo ujeedkiisu yahay ilaalinta xuquuqda carruurta iyo guud ahaan xuquuqda aadanaha ayaa ugu furmey guddiga xuquuqul insaanka Haweenka iyo Arrimaha Baniโaadanimada ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Xaawo Sokor Cali oo ah guddoomiyaha gudiga xuquuqul Insaankaย Haweenka iyo Arrimaha Beniโaadanimada ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furtay aqoon is weydaarsiga ayaa sheegtay in aqoon is weydaarsigan uu muhiim u yahay xubnaha ka qeyb galayaasha, si loo xoojiyo kor u qaadista doorka Baarlamaanka ee ka shaqeynta siyaasadaha, sharciyada, iyo qaraarada la xiriira horumarinta xuquuqda carruurta.