Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Gaalkacyo loogu geystay AUN Sheekh Cali Axmed oo soo bandhigay natiijada baaristooda

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Gaalkacyo loogu geystay AUN Sheekh Cali Axmed Faaraxx oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee gobolka ayaa soo bandhigay natiijada baaristooda.

Taariikhdu markey aheyd 11/05/2021 waxaa deegaanka xera Jaalle  oo hoostaga Degmada Gaalkacyo lagu dilay AUN Sheekh Cali Axmed Faarax waxaana halkaasi baaris u tagay guddi isugu jira saraakiil baarayaal ah oo ka socday xafiiska xeer ilaaliyaha maxkamdda ciidamada qalabka sida iyo hogaanka baarista danbiyada CID, kuwaas oo markii ay tagen goobta cadeymo  marag muujin ah ka qoray marqaatiyaal iyo dhibanyaal, waxaana si buuxda ugu cadaatay dilka inuu geeystay D/LLE Bol 490  Cabdixakiim Cabdisalaan Aaadan (Hindhiso) ka tirsan ciidanka booliska Degmada Gaalkacyo, ayna dilka ku gacan siiyeen 1 Ina Saciid Cabdixidig iyo ina baal Baal, kuwaas oo u baxsaday dhanka degmada Goldogob ee Gaalkacyo Mudug.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

Markuu arkay guddigu cadeymihii laga qoray marqaatiyaasha, dhibanayaasha, maragmuujinada iyo danbi muujinada la horkeenay guddiga, isla markaana eegay codsigii amarka soo qabashada eedeeysane   D/LLE Bol 490  Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan (Hindhiso) ee ku taariikheysnaa 15/06/2021 iyo waarankii maxkamadfu u jartay ee isna ku taariikheysnaa 16/06/2021 Guddiga wuxuu soo saaray

  1. In si deg deg ah hay’addaha amniga ee Puntland iyo Galmudug ay u soo qabtaan eedeeysanayaasha kor ku xusan, iyagoo fulinaya amarkii soo qabashada ee Maxkamada Ciidamad Qalabka Sida, islamarkaana horkeenaan xafiiska xeer ilaaliyaha maxkamada ciidmada Qalabka Sida si caddaalada loo horgeeyo
  2. Haddi eedeeysanayaasha aysan hor imaan, lana soo qaban muddo 2 bilood gudahood ah waxaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee C.Q.S ugudbin doonaa Maxkamada C.Q.S galdacwadeedka eedeeysanayaasha, iyadoo loo fariisan doono dacwadooda iyagoo maqane ah lana xukumi doono.
  3. Waxaa sidoo kale guddiga usoo baxay in saraakiisha booliiska Gobalka Mudug iyo xafiiska la dagaallanka argagixisada iyo xuuraanka ciidanka Booliska ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xariirta dhacdadan, waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 54 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Wasiirka Caddaalada X.F.S oo la kulmay dhalinyarada ku nool magaalada Waajid

Next Post
Wasiirka Caddaalada X.F.S oo la kulmay dhalinyarada ku nool magaalada Waajid

Wasiirka Caddaalada X.F.S oo la kulmay dhalinyarada ku nool magaalada Waajid

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In