RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ku maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, Mudane Axmed Maxamed Aljarwaan, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, senatarro, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.











