Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Gaalkacyo oo la doortay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Gaalkacyo oo la doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbadaani oo ahey mid si heer sare ah loo soo  Agaasimay isla markaana lagu dooranayay Guddoomiyaha Dhallinyarada ee Degmada Gaalkacyo ee Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu qabtay Gaalkacyo.

Munaasbadda Doorashada ayaa waxaa ka soo Qeyb Galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha Bulshada ee magaalada Gaalkacyo kuwasi oo lagu casuumay doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Ururka dhallinyarada ee Degmada Gaalkacyo.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Qabashada Xilka Guddoomiyaha dhallinyarada ayaa waxaa isku soo taagay ilaa saddex Musharax  inkastoo doorashada ka hor uu tanaasulay hal musharax, waxaana sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka isku soo taagay ilaa laba Musharax, waxaana codeysay ilaa 15 dhallinyaro oo laga kala soo xulay afarta Xaafadood ee Magaalada Gaalkacyo .

Codeyn dheer kadib ayaa waxaa Guddoomiyaha Dhallinyarada ee Degmada Gaalkacyo ku guuleystay Suldaan Cabdi Jaamac Xabeeb isagoo helay 12 halka Shariif Maxamuud Sahal oo la tartamay uu isna helay saddex cod sida uu saxaafadda u sheegay Mustaf Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Cusub ee dhallinyarada Degmada Gaalkacyo Suldaan Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa shegay in uu ka shaqeyn doono horumarka Degmada Gaalkacyo.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo goob Joog ka ahaa Munaasabadda ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddomiyaha cusub iyo ku-xigeenkiisa .

Wasiir ku xigenka Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa soo dhaweyay sida ay u dhacday doorashada Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo taaso jawi degan ku dhammaatay.

safiyo sheekh Cali

Safiyo Sheekh Cali

Previous Post

Akhriso taariikhda ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In