Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 month ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Alnuaimi

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Ugu horreyn Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey howlaha safaaradda Qatar ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka wado Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’antahay xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada wadan iyo sii wadida taageerada ay la garab joogaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliso.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan maraayo xiriirka saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Qatar, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta iyo joogteynta xiriirka labada wadan ka dhaxeeya.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ugu hambalyeeyey maalinta xorrnimada ee dalkaasi, wuxuuna sheegay in Qatar ay tahay saaxiib Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo dhinacyo kala duwan ku saleysan.

Previous Post

Ciidanka Danab oo Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe iyo hub ay Khawaarijtu adeegsan jireen

Next Post

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Next Post
Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In