Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee ay kooxaha Argagixisada ku laayeen Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaasi argagixisinimo ku waxyeelloobay,dadkii argagixisadu ay gumaadeen ee weerarkaas ku shahiiday Ilaahay naxriistii janno haka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo deg-deg ah’’ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay usoo badbaadiyeen dadkii dhismaha Hotelka ku go’doomay ,sidoo kalena ay usoo afjareen dhagar qabayaashii weerarka ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qarax Miinado lala eegtay kolonyo uu la socday sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Beled-Xaawo iyo Doolow , qaraxaas oo uu wasiirku ka badbaaday balse ay dhaawacyo ka soo gaareen mudanayaal ka tirsan Xildhibaannadda Golaha Shacabka,wuxuuna Guddoomiye Mursal  uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Xildhibaannada qaraxaas ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka si looga guuleysto islamarkaana loo cirib tiro kooxahan naf lacaariga ah ee doonaya in ay mar walba daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo iska caabiyey weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhiga Goof-gaduud.

Next Post

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Next Post
Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In