Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada EAC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.

Related posts

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka ayaa marka hore dowladda Iyo shacabka Kenya uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in shirkan uu ku soo beegmay wakhti loo baahnaa muhiimna uu u yahay howlaha ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in Soomaaliya si la mid ah dalal badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ay sanadihii u dambeeyay la kulmaysay caqabado badan, hadana, adkeysi, go’aan, iyo taageerada saaxiibada gobolka ay sameysay horumarro la taaban karo oo ay kaga gudubtay caqabadahaas.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay isbedelada horumarka ee hada dalka ka socda ayaa yiri:- “Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada, dhaqaaluhu waa uu kobcayaa, xaaladda ammaankuna waa soo hagaagaysaa, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwa firfircoon, waxayna hamuun u qabaan inay dhistaan mustaqbalkooda “

Ugu dambeyn waxa uu Guddoomiyaha sheegay Soomaaliya in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka Bariga Afrika islamarkaana ay noqoto dal xubin firfircoon ka ah ururka, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka go’antahay wada shaqeynta saaxiibadiisa Bariga Afrika si loo dhiso mustaqbalka nabada, xasilooni iyo barwaaqo ay helaan dhamaan dalalka Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Turkiga

Next Post
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Turkiga

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Turkiga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In