Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in barakacayaasha loo sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha Soomaaliya

barakac

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiqaadir Cali Maxamed Guddoomiyaha guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay qabteen xuska maalinta qaxootiga oo ku beegan 20-ka bishan, balse ay soo hormarsadeen qabsoomidda munaasabaddaas, si wacyigelin loogu sameeyo barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in agab caafimaad ay u qaybiyeen barakacayaasha si looga hortago faafidda cudurka COVID-19, ayna u sameeyeen wacyi gelin ku aadan hannaanka looga hortagi karo cudurka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay kulamo la qaateen masโ€™uuliyiin ka tirsan hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR, oo ay kala hadleen sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa barakacayaasha ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed ee dalka.

โ€œWaxaan kala hadalnay in mashaariic loo sameeyo iyo xal waara barakacayaasha iyo muwaadinta kale ee ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya, si ay u noqdaan dad noloshooda maareen karoโ€ ayuu yiri Guddoomiye Cabdiqaadir.

Mudane Cabdiqaadir cali Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan qoysas badan oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, isagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysato samata bixinta barakacayaasha iyo kuwa kale ee dalkooda dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiqaadir Cali Maxamed ayaa sheegay in xafiiskooda uu ka warqabo xaaladda ay ku suganyihiin barakacayaasha ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, ayna sameeyaan labadii bil mar kormeer ay ku tegayaan goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha, si ay u helaan xogta dhabta ah iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan qoysaska barakacayaasha.

โ€œRuntii isu socodka waxaa saameyn ku yeeshay COVID-19 oo aysan jirin suurtagalnimada inaan ku tegno goobaha ay joogaan, balse maamulada degmooyinka ayaa kaashanaa helidda xogta iyo xaaladaha ay ku suganyihin, waxaana sameynaa tirikoob ku aadan tirada barakacayaasha iyo haddii ay jiraan kuwa cusub oo ku soo kordhayโ€ ayuu hadalkiisa ku daray Cabiqaadir Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay hayโ€™adaha samafalka aysan keenin waxkasta oo ay iyaga rabaan oo kaliya, balse ay ku saleeyaan waxyaabaha ay keenayaan baahiyaha ka jirta deegaannada ay gurmadka ka geysanayaan, lana baro xirfado ay ku shaqeystaan si u maareen mustaqbalka dhaw noloshooda.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Next Post

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In