Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Xuseen Kadare

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Xuseen Kadare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa tacsi u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Guddoomiyaha oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu tacsi u dirayo dhamaan ehelada iyo asaabta uu ka tegay marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa dadkii qoray farta Soomaaliga.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare Allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq, Soomaaliyana waxaa ka tagey halyey kaalin mug leh ka soo qaatay dhanka Warbaahinta, qorista farta Soomaaliga iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr Kadare, waxuu ahaa shaqsi waxbadan ku soo kordhiyey dalka, oo uu Akademiyada fanka, dhaqanka iyo suugaanta uu in muddo ah ka soo shaqeeyey kana mid ahaa shaqsiyaadkii horumariyey luqadeena qaniga ah oo ah astaamaha aan ku faano kuwa ugu waaweyn, waxaana uu ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Ummadda”ayuu yiri Prof Maxamed Axmed Jimcaale.

Previous Post

Juventus oo Bareejo Gashay iyo Kooxaha Napoli,Torino iyo Sassuolo oo Guulo Gaaray

Next Post

Amba Cali Ameriko oo Maanta Kormeeray Suuqyada Xaafada Ilsii Kana Dukaameystay “SAWIRRO”

Next Post
Amba Cali Ameriko oo Maanta Kormeeray Suuqyada Xaafada Ilsii Kana Dukaameystay “SAWIRRO”

Amba Cali Ameriko oo Maanta Kormeeray Suuqyada Xaafada Ilsii Kana Dukaameystay “SAWIRRO”

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In