Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo tababar u furay garsoorayaal cusub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta tababar u furay garsoorayaal dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku biiray Garsoorka Gobalka Banaadir, waxaana la barayaa hannaanka ay shaqada tahay iyo sharuucda looga baahanyahay.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare ee Dalka oo furitaankiisa hadal kooban uu ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday oo ay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshadooda.

Related posts

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026

“Waxa la rabaa 100% in uu noqdo Garsoorku meel hufan oo ka caagan musuq, qabyaalad, eex iyo saaxiibtinimo dhamaanteen taas baa la inaga rabaa, dalka Soomaaliya waxaa lagu suntay kal hore inaan Musuq maasuqa kaga jirno kaalinta koowaad sida ay adduunka qabaan, meesha kaliya aan musuq maasuqa kala dagaalami karno waxa ay tahay Garsoorka, waxaynu rabnaa inaan noqono meesha koowaad ee ka caagan musuqa” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka jeediyay Tababarka loo furay Guddoomiyaha ayaa garsoorayayaasha u sheegay in looga baahanyahay inay noqdaan tusaalaha koowaad ee la dagaallanka musuq maasuqa.

Previous Post

Tirada Soomaalida dalka India ku nool ee laga helay COVID-19 oo gaartay lix qof

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 29 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Bukaannada Ka Bogsoonaya Feyruska Karoona Oo Kordhay “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 29 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(PAKISTAN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In