Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad goboleedka Waqooyi Bari. Wafdiga Guddoomiyaha waxaa ka mid ahaa Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha caafimaadka iyo nafaqada, Mudane Cabdiraxmaan Moobileen iyo masuuliyiin kale.

Markii ay gaareen magaalada, wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Waqooyi Bari oo isugu jiray wasiiro, xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo u muujiyay taageero iyo soo dhoweyn heer sare ah wafdiga.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Safarka Guddoomiyaha SoDMA ayaa salka ku haya daah-furista mashaariic kala duwan oo la xiriira gurmadka musiibooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, qiimeyn iyo kormeer ku saabsan xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanada dowlad goboleedka, iyo wada-tashiyo iyo kulamo lala qaadanayo bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka si loo darso baahiyaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, wafdiga Guddoomiyaha SoDMA ayaa qorsheynaya in ay yeeshaan kulamo ballaaran oo la xiriira xoojinta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Waqooyi Bari, iyadoo diiradda lagu saarayo wax ka qabashada musiibooyinka iyo xoojinta adeegyada caafimaadka, nafaqada iyo gurmadka degdegga ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa sheegay in booqashadani ay qayb ka tahay dadaallada hay’addu ku doonayso in ay ku gaarsiiso adeegyo wax ku ool ah bulshada nugul ee ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan, isagoo xusay in mashaariic cusub la hirgelin doono si loo daboolo baahiyaha ka jira gobolka.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Next Post

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Next Post
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In