Monday, March 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose oo sheegay in uu socdo qorshe shabaab looga xoreynayo gobolka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha G/Sh/Hoose oo sheegay in uu socdo qorshe shabaab looga xoreynayo gobolka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Sh/Hoose Ibraahin Aadan Cali “Najax” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan deegaannadii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab, ayaa faahfaahin ka bixiyay kormeerro uu ku tagay deegmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolkaasi, oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Braawe, Wanlaweyn, Afgooye iyo deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Mudane Najax ayaa deegaannadaasi kula soo kulmay saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta maamullada iyo waxgaradka bulshada, isagoo si hoose ugu kuurgalay xaaladda nolosha dadka iyo baahiyaha ay qabaan.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Sidoo kale gudoomiye Najax ayaa sheegay in uu wado qorshe dhameystiran oo gobolkaasi looga xoreynayo maleeshiyaadka Shabaab si loo horumariyo noloshada bulshada loona xaqiijiyo ammaanka muwaadiniinta ku dhaqan gobolkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in nidaamka dowliga ah ay gaarsiindoonaan dhamaan deegaannada gobolka, isagoo bulshada ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada si loo horumariyo nabadda gobolka.

Gudoomiye Najax ayaa ka codsaday dowladda F.S. in ay gacan ka siiso sidii shabaab looga sifeyn lahaa gobolkaasi, isagoo tibaaxay in uu ka shaqeyndoono soo celinta maqaamkia iyo sharafti uu gobolkaasi ku lahaa dalka.

Tags: mowliid sabriye
Previous Post

Golaha shacabka oo maanta warbixin ka dhageysan doona Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Next Post

Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Next Post
Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In