Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Habka Tebinta Wararka  Saadaasha Hawada iyo Isbadalka Cimilada Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Jabuuti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Habka Tebinta Wararka  Saadaasha Hawada iyo Isbadalka Cimilada Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon- Isweydeersigan oo ahaa mid ballaaran ayna ka faa’iideysteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jiray Wariyaal iyo Kooxaha ka shaqeeyo Saadaasha Hawada waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa loogu soo gabe-gabeeyay dalka Jabuuti, waxaana uu socday  muddo afar cisho ah.

Hay’adaha Icpac-Igad, Norcop iyo Met Office Uk  ayaa iska kaashaday qabsoomidda tababarkan oo ahmyada wayn u lahaa warbaahinta iyo saadaasha hawada, waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ah  habka soo bandhigista xoggaha la xariira saadashada hawada iyo Isbadalka Cimilada si loo gaarsiiyo bulshada, iyada oo la marayo hannaanka cilimiga ah Geeska Afrika, digniino wadareedka qataraha EAHW,  Hannaanka Qorsheynta Saxaaafadda xiliyada S-MAP, tasoo warbaahinta u sahalayso in farriimaha  iyo sheekooyinkooda saldhigaan xilliyada kala duwan ee abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada, kuwaas oo ay soo gudbiyaan khubarrada Sadaasha Hawada iyo Cimalada, una sahlayso in ay uga gudbiyaan Ummadda waxyaabaha la filan karo iyo sida looga gaashaaman lahaa.

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

Mudane, Cabdiwali Suleymaan oo ka tirsan Urur Gobaleedka IGAD-ICPAC ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyay ujeedada Aqoon-Isweedarsigan u leeyahay Warbaahinta Soomaalida iyo Jabuuti isla markaana uga Mahadceliyo ICPAC iyo NORCAP.

“Tababarkan waa dalkii 8-aad oo aan u qabanay, muhiimadda uu leeyahay waxey tahay warbaahinta ama wariyaasha oo kaalinta koowaad kaga jira tebinta ama xogsiinta qeybaha ay khuseeyso Isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada oo aad u saameyso, marka waa in ay ogaadan waxa ay tabinayaan tasoo gaarsiisan heer ay sharaxi karaan aqoon ahaan waxa ay tahay isbadalka cimilada iyo saadasha si dhow ula shaqeeyn aysan noqan kuwa tebiya wax loo dhiibay” Ayuu yari Cabdiwali Salad

Sidoo kale Cabdiwali ayaa sharraxay gaabka u dhaxeeyo warbaahinta geeska Afrika ka  howl-gasho iyo tan  Soomaalida iyo qaabka uga hobaan a sida ay iskula jaan-qaadi karaan habka tebinta warbixinada la xariira Saadasha hawada iyo isbadalka Cimilada, iyada oo la maraayo EAHW.

“Wariyaasha Soomaaliyeed mudnaan kale ayee innoo leeyahiin  dhibaatooyin kale oo ay tebiyaan oo ah mida soo socotay  30-kii sanno ee soo socotay, arrinka kale ee cimilada wariyaal u tababaran iyo Met Office dalka malaha, qof walbo howlahiisa goonni ayuu wataa, marka inaa Geeska Afirka intaasa kale soo gaarno oo wariyaasha isha saran, muhiimad u yeelato tebinta iyo ka sheekaynta  isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada waa mid wayn waana mida aan ku daddaalayno ka Icpac-igad ahaan iyo saaxibada caalamiga ah ee na caawiyo” ayuu yari Cabdiwali Salaad.
Aragtida Wariyasha:

● Cabdishakuur Dayib oo ka mid ahaa wariyaasha qaatay Tababarkan waxuu sheegay inuu ka faa’iidey habka isticmaalka xogaha Saadasha hawada iyo Isbadalka Cimilada inuu u soo bandhigi karo hannaan cimili ku salaysan.

“ Saddex qodob Ayaan uga faa’iidnay ayaa is leeyahay ka saxafi ahaa.  kow,  inaa dadka fahansiino Isbadalka Cimilada inuu nolashooda taabanayo iyo habka la-qabsiga, labo, U-Adkeysiga oo hab farsamo naloo fahsansiiyay ka saxaafad ahaana ogaana fahano sida ay wax u jiraan si aan markaas u gudbino xog dheelatiran bulshada, Sadex, inaa awood u yeelanay joogtenta wararka Saadasha hawada si macluumadka oo isugu jira waxyaabaha qatarta ah ee dhinaca kara, waa mahadsan yahiin  hay”adaha taageerayo barnaamijkan kor u qaadida aqoonta wariyaasha Soomaalida” Ayuu yari Cabdirashakuur Dayib.

● Hidaya Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda Jabuuti waxay hoosta xarriiqday cilmiga ay halkan ka baratay ay u gudbin doonta wariyaasha la shaqeeyo, tasoo horumarinayso shaqooyinkooda maalin laha ee tebinta Saadasha iyo Isbadalka Cimilada.

“Shaqsiyan wax badan ayaan faa’idnay  tasoo ah ka saxafi ahaan halkii aan mari lahaa, sida aan uga warbixin lahaa isbadalka cimilada, markii hore waxaan raadinaa wararka si aan u gaarsiinno bulshada, marka si ka wanaagsan oo aan ku qaadanay tababarka loo sameyn karo sheekooyinka la xariira arintan sida ula hadli karno bulshada, dadka jaan-gooyo siyaasada, khubarrada iyo hanaanka u taxliilin karno xogahaasi kala duwan loo sugi karo tebinteeda. Maadama cilmigan uu ahaa mid wanaagsan waxaan la wadaagi doonaa wariyaasha ila shaqeeyo waxyaabaha ku saabsan cimilada nafteena ku tababarno si bulshada u gaarsiinno warar wanaasagn”ayey tari Hidaaya Maxamed.

Saxafiyiinta  Soomaalida ee lagu tababaray dalkan Jabuuti ayaa ka kala yimid  magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa Dhuusamareeb, Baledwayne iyo Baydhabo oo ka howl-gala warbaahinta qeybaheeda kala duwan Telefiahin, Radio iyo warbaahinta bulshada.

Warbixinta hay’adaha  ka shaqeeyo arrimaha gargaarka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay in  5.6 million qof ah ay la kulmeen heerka uga hooseyso cunto yari  ka Abaaraha iyo xasaradaha colaadda iyo barakaca la xiriira.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Mareykanka

Next Post

Soomaaliya Oo La Wareegtay Xilka Guddoomiyenimo Ee Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta

Next Post
Soomaaliya Oo La Wareegtay Xilka Guddoomiyenimo Ee Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Xilka Guddoomiyenimo Ee Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In