Waxaa dhawaan magaalada Washington ee dalka Maraykanka ku soo gaba gaboobay shir ay yeesheen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle iyo Hey’adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bangiga Aduunka.
Shirka oo socday illaa iyo todobaadkii hore ayaa waxaa lagu lafa guray arimo ay ka mid yihiin horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhanka Maaliyadda , Sara u kaca dakhliga Dowladda, Bixinta Joogtada ah ee Mushaaaraadka iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyaddu ku tallaabsatay.
Miraha shirkaan ka soobaxay waxay guul hordhac ah u tahay dowladda Soomaaliya oo lagu leeyahay dayn gaaraysa 5.5 bilyan oo Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen horumarka maamulka Maaliyadeed ee Soomaaliya ka taabbagalay, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo hannaanka hufnaanta ka muuqato ee loo maamulo dakhliga dowladda, taasna waxay sababtay in la diyaariyo habraacii loo mari lahaa waqti dhow Cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.
“Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF iyo Bangiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay, taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga Cafiyo Deymaha lagu leeyahay ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr C/raxmaan Ducaale Bayle.
Dhinaca kale Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalka ay sanadkaan u gashay sare u qaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda oo qaab hufnaan ku dheehan tahay loo maamulay.
Wasiir Beyle intii uu joogay Washigton wuxuu kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo qayb gashay wuxuuna Wasiirku hoosta ka xariiqay in ay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala.
“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda,waxayna noo ballan qadeen in ay naga caawin doonaan sida ugu dhaqsaha badan arrimaha kaabaya cafinta Deynta” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay wasaaradda maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamka aan uga helno aaminaad buuxda.
Dhanka kale shir looga hadlayay sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa Mashaariic horumarineed ayaa lagu qabtay Magaalada Washigton ee dalka Maraykanka, waxana Soomaaliya uga qayb galay Wasiirada Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle,Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kalluumeysiga C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.
Waxaana kulankan oo ahaa mid caalami ah ka qayb galay dalalka qaaraan bixiyayaasha caalamka sida Qaramada midoobay Midowga yurub, hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, dowladaha Mareykanka, Britain iyo Norway.
Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, ahna xoghayaha guddiga dhaqaalaha, Dr; C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirkaan ujeedadiisu ahayd in deeqbixiyayaasha iyo hay’adda Lacagta Adduunka u soo bandhigaan hanaanka dowladda Soomaaliya u samaysay horumarka la taaban karo.
Wasiirka ayaa sheegay in wadiiqada Cafinta deymaha ay kol hore soo billaabatay, iyaguna ay marsiinayaan halkii u wanaagsanayd, haatanna ay qabaan rajo wanaagsan maaddama ay si fiican u maareysay dowladda Soomaaliya dhaqaalihii dalka.
Yididiilada ugu weyn ee ay qabaan ayuu wasiirka Kaluumaysiaga ku tilmaamay in dhaqaalihii Waddanka sare loo soo qaaday,ka dib markii meesha laga saaray hay’ado gaar loo leeyahay oo si aan sharciga waafaqsanayn ku maamuli jiray ilaha dhaqaalaha dalka, saamiga ay qaataanna uu ahaa mid aad u badan, isla maraakaana aan wax Canshuur ah laga qaadi jirin adeegyadooda.
“Tusaale Isgaarsiinta waa kuwa ugu waaweyn dhaqaalaha Soomaaliya, wax macna leh oo Dowladda Canshuur ka heli jirtay ma jiraan, sidoo kale garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho oo uu ka soo xaroodo dhaqaale aad u badan, ayuu yiri Wasiirku.
Dr: C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay xukuumaddii hore ay 12 qandaraas oo ahaa adeegyo ay dowladda dhexe lahayd siisay shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah haatanna ay dowladdani dib ugu soo celisay Gacanteeda, halkaas oo uu ku lumi jiray dhaqaale fara badan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshe lagu mideynayo habka canshuur uruurinta Dalka si daqliga ka soo gala Dowladda dhexe Ilaha dhaqaalaha ee Muqdisho uu mid la mid ah ugu yimaaddo dhanka maamul Goboleedyada kale ee dalka.
Habraaca loo marayo cafinta daymaha lagu leeyahay dalkeena oo mira dhal ku dhow wuxuu horseedi doonaa in Soomaaliya ay cagta saarto wadadii horumarka, waxaana soomaaliya heli doontaa dhaqaale lagu hirgaliyo mashaariic horumarneed oo dalka iyo dadka wax wayn ku soo kordhin doonta.
W/Q :- Abuukar Gobdoon