Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026—Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij tababar ah oo ku saabsan amniga saaybarka, kaas oo lagu xoojinayay xirfadaha shaqaalaha dowladda ee ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka.

Tababarkan oo socday 29 Maarso ilaa 10 Maajo 2026, ayaa waxaa ka faa’iideystay saraakiil ka socday 21 hay’adood oo dowladda ah, kuwaas oo lagu barayay xirfado casri ah oo la xiriira amniga saaybarka iyo hababka ilaalinta xogaha muhiimka ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Barnaamijka ayaa lagu qabtay Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo sidoo kale magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana lagu fuliyay nidaam ku dhisan tayo, karti iyo aqoon kororsi.

Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in tababarkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo shaqaale awood u leh ilaalinta nidaamyada dhijitaalka ah ee dalka.

Waxa uu sidoo kale xusay in hay’addu ay sii wadi doonto hirgelinta wejiyo kale oo tababarkan ah, si loo sii xoojiyo awoodda shaqaalaha dowladda ee amniga saaybarka.

Ugu dambeyn, ka-qaybgalayaashii tababarka oo ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin aqoonsi ah, iyadoo barnaamijkan uu taageerayay Bangiga Adduunka (World Bank Group) isla markaana ay fududeysay AFRALTI.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In