Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu qeybinayo Timir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta lagu daah-furay mashruuc ballaaran oo lagu qeybinayo 700 tan oo timir ah, taas oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Daah-furka mashruuca waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud, oo matalayay Boqor Salmaan iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Boqortooyada. Safiirka ayaa tilmaamay in mashruucan uu yahay “mid muhiim u ah bulshada nugul”, isaga oo rajo ka muujiyay in uu noqdo mid miro dhal ah oo kor u qaada iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga.

Dhankiisa, Madaxa Mu’asasada Muhsin Foundation, oo mashruuca fulinaysa, Mudane Cabdullaahi Cabdiqadir Cabdi, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda mashruucan iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi, ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan nus milyan oo qof, taas oo muujinaysa baaxadda iyo saameynta weyn ee uu leeyahay.

Previous Post

Naadiga Dekadaha oo guul muhiim ah ka gaartay dhigooda Alzamala ee dalka Sudan

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In