Iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo Tuulooyinka ku xeeran, ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, waxa ay xalay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Jalalaqsi.
30 Gaari oo sida shixnad Raashin ah ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii uu Wabbiga Shabeelle, ku fatahay halkaasi.
Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan lamid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore u dirtay Magaalada Mahadaay ee Shabeelaha dhexe.