Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo hannaanka doorashooyinka hufan oo daahfuran, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska.
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga, wuxuuna caddeeyay in Dowladdu ay ka go’an tahay taageeridda howlaha muhiimka ah ee hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta joogtada ah si loo gaaro yoolalka qaran ee la xiriira doorashooyinka iyo maamul wanaagga.











