Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo soo dhoweysay xayiraadda laga qaadey xawaaladaha Soomaalida ee Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
IGAD oo soo dhoweysay xayiraadda laga qaadey xawaaladaha Soomaalida ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay dib u fasixiddii ay Kenya dib u fasaxday Xawaaladaha Soomaalida ee dalkeeda ka howl-gala, kuwaasoo ay xayiraad saartay bishii Abriil kaddib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macallin ayaa sheegay in xawaaladaha dib loo furay ay wax badan ka tarayso nolosha dad badan oo ku nool Geeska Afrika, kuwaasoo noloshoodu ku xiran tahay lacagaha dibadaha looga soo diro.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026

“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaaday madaxweynaha Kenya, waana mid uu u arkay inaysan dan u ahayn Keenyaanka oo keliya, laakiinse ay dani uug jirto dadka gobolka oo dhan ku nool,” ayuu yiri Maxbuub Macallin.

Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa maalin ka hor xayiraaddii ka qaaday 13 xawaaladood oo ay Soomaalidu ku leedahay Nairobi, kuwaasoo horay loogu eedeeyay inay lacago siiyaan kooxaha argagaxisada ah ee Kenya ka jira iyo Al-shabaab.

Ugu yaraan 40% Qoysaska Soomaaliyeed ayay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha looga soo diro dalka dibaddiisa, kuwaasoo soo mara xawaalahada kala duwan ee ka howlgala iyo dalalka gobolka ku yaalla, maadaama uusan dalka ka jirin nidaam banki.

Maxbuub Macallin ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay ilaaliso Xawaaladaha oo howlo wanaagsan u haya shacabka, sida qoxootiga ku nool dalka Kenya oo inta badan ah Soomaali kasoo carartay colaadaha dalkooda ka jira.

Sidoo kale, Macallin ayaa ka codsaday dalalka reer galbeedka inay iyaguna sii wadaan caawinta sidii ay u shaqeyn lahaayeen xawaaladaha, si loo yareeyo saboolnimada ka jirta gobolka iyo amni-darrada.

Ugu dambeyn, dib u fasaxidda ay Kenya dib u fasaxday shaqada Xawaaladaha ka howlgala dalkeeda ayaa waxay imaanaysaa iyadoo hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay sheegtay dhawaan in dhaqaalaha Somalia uu sare u kacay 3.7%, lana filayo inuu intaas kasii bato.

Previous Post

Wasiir Maareeye oo bahda saxaafadda ugu baaqay ka qeyb qaadashada hirgelinta Federaalka

Next Post

Qarax lala eegtay kolonyo Imaaraadku leeyahay

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.

Qarax lala eegtay kolonyo Imaaraadku leeyahay

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United...

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

March 16, 2026
0

The Ministers of Defense, Ahmed Moallim Fiqi; Education, Culture and Higher Education, Farah Sheikh Abdulkadir; Transport and Civil Aviation, Mohamed...

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

March 16, 2026
0

The Somali Disaster Management Agency (SoDMA), in collaboration with the South West State Ministry of Humanitarian Affairs, today launched the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In