Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay mashruuc xirfado ay ku shaqeystaan lagu barayo dhallinyaro gaareysa boqal iyo toban dhallinyaro ah, isla markaana isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo laga soo qoray xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan fulintiisa Wasaaradaha Waxbarashada iyo shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dowlad gobaleedka Galmudug oo gacan ka helaya Hay’ado kala duwan ayaa Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal oo madasha ka hadlay ayaa mahadcelin kadib la dar daarmay dhallinyarada loo soo xulay in ay tababarka ka faa’ideeystaan oo ay noqdaan kuwa xirfadda ay bartaan ugu adeega bulsadooda.
Munaasabadda oo sidoo kale ay ka hadeen mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha maalgalinaya tababarka iyo xubno ka socday ururada bulshada ayaa waxa ay si wada jir ah u tilmaameen muhiimadda uu tababarkan u leeyahay dhallinyarada.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug mudane Maxamed Nuur Diini Afweyne ayaa sheegay in Galmudug ay joogteyn doonto tababar siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay bulshadooda wax ugu taraan.