Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In kabadan 150 kamid ah Dhalinyaradii ku xirnayd xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho la soo gaarsiyay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
In kabadan 150 kamid ah Dhalinyaradii ku xirnayd xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho la soo gaarsiyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

 Garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho ayaa saaka waxaa soo caga dhigatay diyaarada siday ilaa 151 kamid ah dhalinyarada Soomaaliya oo laga keenay dalka Liibiya,kuwaasi oo ku dhibaataysnaa xabsiyada Dalkaasi.

Dhalinyarada oo ay la socdeen mas’uuliyiintii ay dowladda Soomaaliya u wakiilatay oo uu ugu horeeyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo xubno kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilaa 300 boqol oo dhalinyaro ah oo kuxirnaa xabsiyada dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Tripoli ayaa isku diwaan geliyay si mutadawacnimo ah si ay dalkooda ugu soo laabtaan,kadib dadaalo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Liibiya.

Maryan Yaasiin oo kamid ah mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya u xilsaartay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo badbaadin lahaa xabsiyada caalamka kana socotay xafiiska raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegatay in dadaalkan uu soo socday in muddo ah,haatana lagu guuleystay waxbadan in la soo badbaadiyo.

Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin k abixiyay dhalinyaradaasi saaka la soo dejiyay.

“ Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya,waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi kuyaala magaalada Triboli ee dalka Libiya,waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya,waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”. Ayuu yiri Danjire Fiqi.

Dhalinyaradan ayaa ka muuqatay dhibaato xoogan oo soo gaartay mudadii ay kujireen xabsiyada,basle ay farxad muujiyeen maadaama ay dalkooda hooyo ku soo laabteen,waxaa sidoo kale soo celintooda kaalin ka qaadatay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,waxaa lafilaya in kuwa kale ee baaqiga ku ah dalka Liibiya dib loo soo celiyo.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo Shacabka Degmada Waabari la afuray.+Sawirro

Next Post

Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Next Post
Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In