Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Israel oo xirtay Masjidka barakeysan ee ALAQSA 

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Israel oo xirtay Masjidka barakeysan ee  ALAQSA 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka dib markii ciidanka Yuhuuda ay xireen masjidka Barakeysan ee ALAQSA ayaa daraasiin Falastiiniyiin ahi banaan bax cabasho ah ka dhigeen agagaarka Masjidka, hase yeeshee ciidanka amniga Israel ayaa dadkaas kala ceyriyay markii sida ay sheegeen lagu weeraray Mindiyo.

Booliiska ayaa ka hor istaagay in dadka Muslimiinta ah gudaha u galaan Masjidka ALAQSA xilliga salaada cisha.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Madaxweynaha Falastiin Maxamuuud Cabaas ayaa cambaareeyay xiritaanka Masjidka ALAQSA, waxaana Isreal ugu baaqay in ay dib u furaan Masjidka.

Waxaa uu intaa ku daray talaabo kasta wax lagaga bedelayo qaabka goobaha cibaadada waxaa ay keeni kartaa in ay xaaladda sii xumaato ayuu sheegay madaxweyne Cabaas.

Talaabada Isreal ay ku xirtay Masjidka ayaa la sheegay in ay ka dambeysay markii mid kamid ah askarta ilaalada ka ah halkaas Mindi lagu weeraray.

30 sano jir ah Carab Isreali ah ayaa isku dayay in uu mindi geliyo mid kamid ah saraakiisha booliiska uu joogay albaabada mid kamid ah Masjidka ALAQSA, kaas oo ugu dambeyntii ciidanka ay toogasho ku dileen Jimcihii gelinka dambe, sida uu soo wariyay wargeyska maalinlaha ah ee Haaretz.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee QM Antonia Guters ayaa Isreal ugu baaqay in ay ka dul qaadaan ciidanka militiriga dadka shacabka ah ee degan magaalada Gaza iyo deegaanada kale.

Mr Guters, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidan QM hoos taga la geeyo dhulka Falastiin si looga hor tago in xaalada sii xumaato.

Arrintan uu soo jeediyay Guters ayaa u baahan in ay meel mariyaan golaha ammaanka ee QM hase yeeshee dowladda Mareykanka oo si weyn Isreal u taageerta ayaa laga yaabaa in ay diidmada qayaxan i adeegsato qorshahan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Bandhigga Carwada Buugaagta oo saddex cisho ka socday Muqdisho

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho "SAWIRRO"

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In