Golaha xuquuqul Insaanka ee qaramada midoobay ayaa kulan ay galabta ku yeesheen Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland waxaa ay mid naxdin ah ku tilmaamay geeridii allaha u naxriistee Yuusuf Bari bari oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaas oo ku dhintay weerarkii argagixisanimo ee jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Hotelka Maka-almukaramah ee magaaladda muqdisho.
Xubnaha golaha xuquuqul insaanka ee QM ayaa ku tilmaamay allaha u naxriistee Danjire yuusuf bari bari in uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka qaatay ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya,waxaana uu ahaa mid dhamaan xubnaha golahan ay u riyaaqeen hogaamintiisa wanaagsanaa ee dhinaca xuquuqul insaanka.
Danjire yuusuf bari bari wuxuu ahaa shaqsi ay ka go’neyd howsha uu hayay ,wuxuuna ahaa qof aan ka daaleyn howsha dhinaca xuquuqul insaanka ah o in mudo ah uu kasoo dhaqeynayay in ilaalinta xuquuqul insaanka gaar ahaan afrika sidaasi waxa yiri Ambassador Joachim Ruecker oo ah madaxweynaha golaha
Warkan kasoo baxay golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ambassador yuusuf bari bari uu magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka shaqeynayay ilaa 2008,dii islamarkaana shantii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayay sidii loo difaaci lahaa xuquuqda bulshada rayidka ah
madaxweynaha golahan ayaa sheegay in allaha u naxriistee yuusuf bari bari uu ahaa qof xil weyn iska saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha soomaaliya.
Anigooo ku hadlaya magaca golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay
waxaan halkaan tacsi uga direyaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan umadda soomaaliya ambassador yuusuf bari bari oo ku geeriyoodday weerarkii argagxisadu ay jimcihii lasoo dhaafay ku qaadeen hotelka maka al mukarama ee Magaaladda Muqdisho.