Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT oo
fulinaya waajibaadkiisa doorashada ee ku cadaa heshiisyadii madasha wadatashiga
Qaranka ay ka gaareen doorashooyinka dalka, ayaa waxay shaaciyeen 16-ka kursi ee ka harsanaa kuraasta Golaha Shacabka ee ku astaysnaa Jubbaland oo
doorashadooda lagu qaban doono mudo 2 todobaad gudohood ah.
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Tamarta ee Dowlada Türkiye Mudane Alparslan Bayraktar. Gudiga ayaa Wasiirka ka dhagaystay habsami u socodka mashruuca shidaal soo saarida ee dhawaan ka bilowday wadanka. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Wadanka Türkiye Mudane Fatxudiin Cali Ospite iyo Madaxa gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka Turkiga Mudane Abdirahim Firat. Xubnaha Baaarlamaanka Soomaaliya ku matala gudiga saaxiibtinamada Soomaliya iyo Türkiye ee shirkan kasoo qayb galay ayaa kala ah: 1- Mudane Sadiq Cumar Xassan 2- Mudane Cabdiqadir Cumar Macalin 3- Mudane Caydaruus Saalax Yusuf 4- Mudane Cabdilatif Muuse Nuur 5- Marwo Rooda Carab Shariif 6- Mudane Abdirahman Axmed Cismaan 7- Mudane Xussein Maxamed Daahir 8- Mudane Cabdikarin Cumar Xussen 9- Mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa...