Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

ka dib sanado badan oo colaado ah” Soomaaliya waxay dooneysaa iney dib u soo celiso sharafkii Dalxiiska

caqiil by caqiil
January 8, 2018
in Maqaallo, Wararka
0
ka dib sanado badan oo colaado ah” Soomaaliya waxay dooneysaa iney dib u soo celiso sharafkii Dalxiiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Markii ay ahayd sanadka 1960kii iyo 70aad, waxaa la oran jiray ‘Luulkii Badweynta Hindia. “Taasi waxay ahayd kahor tobaneeyo sano iskahorimaad hubaysan iyo xasillooni darro dalka ka dhacday ayaa sii fogeeyay dalxiisayaashii iman jiray Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, oo ka tagay dalxiiska hal mar  xasuusta fog.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira tallaabooyin  dalka intiisa kale loogu soo celinayo sharafkii uu lahaan jiray dalxiiska,Xeebaha,dhaqanka iyo Taariikhda,sidoo kale waxaa jira feker la doonayo in dib looga shaqeysiiyo goobaha dalxiiska ee la dayacay,taasi oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta sanadaha soo socda.

Horumarka dhanka dalxiiska laga gaaray ayaa waxaa cadeyn u ah in Bishii Septemper Soomaaliya loo aqoonsaday xubinta 157-aad ah ee Ururka Dalxiiska caalamka ee Qaramada Midoobay (UNWTO) ka dib shir ka dhacay Chengdu, ee dalka Shiinaha.

Sida laga soo xigtay hay’adda UNWTO, fidida Suuqyada caalamiga ah ee dalxiiska waxay abuureysaa faa’idooyin dhaqaale iyo shaqo abuuris ku wajahan qeybo badan oo ka mid ah ama la xidhiidha dhismaha beeraha iyo isgaarsiinta,waxaana si gaar ah loogu dhiira geliyay dalalka soo koraya iney ka faa’ideystaan dalxiiska,taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa kobaca dhaqaalaha.

Dagaalkii sokeeyee ee Soomaaliya ka qarxay 1991,ayaa sababay in bur bur uu ku yimaado xarumihii muhiimka ahaa ee loo dalxiisi jiray,waxaana Ajaaniibta 25-sano ee ugu danbeeyay ee yimid Soomaaliya keliya ay ahaayeen diblomaasiyiin,shaqaalo gargaar,Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Africa,shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Ururo caalami ah.

Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa hadana waxaa bilihii ugu danbeeyay sii kordhayay tirada dalxiisayaasha ee ka imaanaya Qaaradaha Yurub,Asia iyo Mareynkanka “United States”.

“ Hadda waxaan heynaa dad badan oo doonaya iney yimaadaan Soomaaliya” sanadkii tagay oo kaliya waxaan martiqaadnay ku dhawaad 40- ruux oo dalxiisalayaal oo badankood ka yimid Yurub”,sidaasi waxaa yiri Nuur Hassan oo ka shaqeeya shirkadda Dalxiiska Sahan oo fadhigeeda uu yahay Muqdisho.

Mr. Hassan ayaa sheegay in dadka soo booqday dhawaan Soomaaliya ay tageen goobo dalxiis,waxaana dalxiisayaashaasi ka mid ah kooxo Shiinees ah(Chinese),kuwaasi oo dalka yimid bishii September sanadkii tagay ee 2017kii.

Todobaadkaan,waxaan helnay muwaadiniintii ugu horeyay ee ka socda Singapore ee yimaada dalkeena,kuwaasi oo na farxad gelinaya,”ayuu yiri Nuur Hasan.kaasi oo bilaabay warshada sanadkii 2013”.waxaana marti qaadnay dad badan oo ka yimid dalalka Yurub iyo Mareynkanka.

Inka badan 150-Hay’ado socdaal (Travel Agencies), ayaa hadda ka shaqeynaya aduunka,waxaana sidoo kale duulimaadyo Ajanabi oo si joogta  duulimaad uga sameeya caasimadda Muqdisho,Istanbul iyo magaalada Nairobi.

La taliyaha Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Yaasir Baafo,ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaray sidii loo xaqiijin lahaa dalka Soomaaliya inuu ka mid noqdo dalalka qeybta ka ah Ururka Dalxiisayaasha caalamka ee ku mideysan Ururka UNWTO,isagoo dhanka kale indhaha beesha caalamka u soo jeediyay Dalxiiska Soomaaliya iyo sida looga faa’ideysan karo.

“ Markaan eegno deegaanada Dalxiiska ku wacan,iyo meelaha dalxiisyaasha ay aadi karaan sida Xeebaha,sidoo kale,waxaan leenahay goob Biyaha Wabiga iyo Badda isaga darsamaan oo ah deegaanka Goobweyn oo ku dhow Kismaayo.Baydhabo waxaa ku yaalo goobo biyaha ka soo daadaan,Boosaaso waxaa jira ilo Biyo kulul laga helo iyo carro cad ama bacaad,” ayuu yiri Mr. Baafo oo ah la taliyaha dhanka Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Yaasir Baafo ayaa sheegay in waaxda dalxiiska Soomaaliya hadda si fir fircoon u shaqeyso,islamarkaana Soomaaliya diyaar u tahay iney Soo dhaweyso saaxiibadeeda caalamka,Sidoo kale,Mr.Yaasir Baafo ayaa tilmaamay in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta dhacdooyinka iyo shirarka Qaaradda.

Previous Post

Kulan wacyigalin ah oo uu ka qeyb galay safirka Soomaaliya u fadhiya South Africa

Next Post

R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Next Post
R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In