Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

ka dib sanado badan oo colaado ah” Soomaaliya waxay dooneysaa iney dib u soo celiso sharafkii Dalxiiska

caqiil by caqiil
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
ka dib sanado badan oo colaado ah” Soomaaliya waxay dooneysaa iney dib u soo celiso sharafkii Dalxiiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

Markii ay ahayd sanadka 1960kii iyo 70aad, waxaa la oran jiray ‘Luulkii Badweynta Hindia. “Taasi waxay ahayd kahor tobaneeyo sano iskahorimaad hubaysan iyo xasillooni darro dalka ka dhacday ayaa sii fogeeyay dalxiisayaashii iman jiray Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, oo ka tagay dalxiiska hal mar  xasuusta fog.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira tallaabooyin  dalka intiisa kale loogu soo celinayo sharafkii uu lahaan jiray dalxiiska,Xeebaha,dhaqanka iyo Taariikhda,sidoo kale waxaa jira feker la doonayo in dib looga shaqeysiiyo goobaha dalxiiska ee la dayacay,taasi oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta sanadaha soo socda.

Horumarka dhanka dalxiiska laga gaaray ayaa waxaa cadeyn u ah in Bishii Septemper Soomaaliya loo aqoonsaday xubinta 157-aad ah ee Ururka Dalxiiska caalamka ee Qaramada Midoobay (UNWTO) ka dib shir ka dhacay Chengdu, ee dalka Shiinaha.

Sida laga soo xigtay hay’adda UNWTO, fidida Suuqyada caalamiga ah ee dalxiiska waxay abuureysaa faa’idooyin dhaqaale iyo shaqo abuuris ku wajahan qeybo badan oo ka mid ah ama la xidhiidha dhismaha beeraha iyo isgaarsiinta,waxaana si gaar ah loogu dhiira geliyay dalalka soo koraya iney ka faa’ideystaan dalxiiska,taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa kobaca dhaqaalaha.

Dagaalkii sokeeyee ee Soomaaliya ka qarxay 1991,ayaa sababay in bur bur uu ku yimaado xarumihii muhiimka ahaa ee loo dalxiisi jiray,waxaana Ajaaniibta 25-sano ee ugu danbeeyay ee yimid Soomaaliya keliya ay ahaayeen diblomaasiyiin,shaqaalo gargaar,Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Africa,shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Ururo caalami ah.

Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa hadana waxaa bilihii ugu danbeeyay sii kordhayay tirada dalxiisayaasha ee ka imaanaya Qaaradaha Yurub,Asia iyo Mareynkanka “United States”.

“ Hadda waxaan heynaa dad badan oo doonaya iney yimaadaan Soomaaliya” sanadkii tagay oo kaliya waxaan martiqaadnay ku dhawaad 40- ruux oo dalxiisalayaal oo badankood ka yimid Yurub”,sidaasi waxaa yiri Nuur Hassan oo ka shaqeeya shirkadda Dalxiiska Sahan oo fadhigeeda uu yahay Muqdisho.

Mr. Hassan ayaa sheegay in dadka soo booqday dhawaan Soomaaliya ay tageen goobo dalxiis,waxaana dalxiisayaashaasi ka mid ah kooxo Shiinees ah(Chinese),kuwaasi oo dalka yimid bishii September sanadkii tagay ee 2017kii.

Todobaadkaan,waxaan helnay muwaadiniintii ugu horeyay ee ka socda Singapore ee yimaada dalkeena,kuwaasi oo na farxad gelinaya,”ayuu yiri Nuur Hasan.kaasi oo bilaabay warshada sanadkii 2013”.waxaana marti qaadnay dad badan oo ka yimid dalalka Yurub iyo Mareynkanka.

Inka badan 150-Hay’ado socdaal (Travel Agencies), ayaa hadda ka shaqeynaya aduunka,waxaana sidoo kale duulimaadyo Ajanabi oo si joogta  duulimaad uga sameeya caasimadda Muqdisho,Istanbul iyo magaalada Nairobi.

La taliyaha Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Yaasir Baafo,ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaray sidii loo xaqiijin lahaa dalka Soomaaliya inuu ka mid noqdo dalalka qeybta ka ah Ururka Dalxiisayaasha caalamka ee ku mideysan Ururka UNWTO,isagoo dhanka kale indhaha beesha caalamka u soo jeediyay Dalxiiska Soomaaliya iyo sida looga faa’ideysan karo.

“ Markaan eegno deegaanada Dalxiiska ku wacan,iyo meelaha dalxiisyaasha ay aadi karaan sida Xeebaha,sidoo kale,waxaan leenahay goob Biyaha Wabiga iyo Badda isaga darsamaan oo ah deegaanka Goobweyn oo ku dhow Kismaayo.Baydhabo waxaa ku yaalo goobo biyaha ka soo daadaan,Boosaaso waxaa jira ilo Biyo kulul laga helo iyo carro cad ama bacaad,” ayuu yiri Mr. Baafo oo ah la taliyaha dhanka Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Yaasir Baafo ayaa sheegay in waaxda dalxiiska Soomaaliya hadda si fir fircoon u shaqeyso,islamarkaana Soomaaliya diyaar u tahay iney Soo dhaweyso saaxiibadeeda caalamka,Sidoo kale,Mr.Yaasir Baafo ayaa tilmaamay in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta dhacdooyinka iyo shirarka Qaaradda.

Previous Post

Kulan wacyigalin ah oo uu ka qeyb galay safirka Soomaaliya u fadhiya South Africa

Next Post

R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Next Post
R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

R/wasaare kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In