Todobaadyadii la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya waxaa ku dhuftay dabeylo xoogleh oo sababay in doomaha kaluumeysiga ee ka jalaabta xeebaha Muqdisho ayaa asaameyn weyn ku yeelato waxaana arintaas ka hadlay iskaashatooyinka kaluumeysatada.
Waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado kaluunka Nuucyadiisa kala duwan ayuu sarakac weyni ku yimid. waxaa inoo sura gashay in aan booqasho ku tagno kawaanka kalluunka ee degmada Xamarweyne iyo xarumaha iskaashatooyinka kaluunka si aan wax ugu ogaano saameynta ay dabeylaha ku yeesheen doomaha kalluumeysatada iyo dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhalatay beylahaasi.
Waxaa ka dhashay dabeylahaasi khasaaro isugu jira naf iyo maalba waxaana sidoo kale la la,yahay doomo dhowr ah oo ay wateen iskaashatooyinka kaluumeysatada qaarkood kuwaasi oo ka jalaabanayay xeebaha Muqdisho.
qaar ka mid ah iskaashatooyin iyo ganacsatada kaluunka ayaa ka warbixiyay saameynta ay ku yeelatay dabeylaha ku dhuftay xeebaha soomalaiya waxaana ay sheegayaan in si weyn ay u dareemeen dhibta dabeyluhu sababeen.
xoghayaha iskaashatada dan kulmis Muse C/casiis xaaji Dhurow ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka soo gaaray dabeylahaasi saameynta uu ku yeeshay sara u kaca kaluunka.
Sawir qaade Maxamed C/laahi Feereysane