Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 5000 oo Qori oo isugu jira noocyada darandoorriga u dhaca, kuwo qadiimiga ah, Gentaallaha Garabka laga tuuro iyo Baastoolado,ayaa Maanta lagu gubay fagaare ku yaalla duleedka Caasimadda Dalkaasi Kenya ee Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa Qoryahaasi Debka la qabadsiiyay ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo Sharci darro ahaa, waxanay Dadka laga soo uruuriyay u badnaayeen Beeraleey, Xoolo dhaqato iyo Reer Miyi, kuwaasoo mararka qaarkood u adeegsan jiray dagaal Beeleedyada.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Ruto ,oo ka hadlay goobta lagu gubayay Qoryahan ayaa sheegay, in Hubka sharci darrada ah uu Dalkiisa ku yahay dhibaato weyn, amaankana uu qal qal aan la qiyaasi karin ku hayo.

“Waxan ugu baaqayaa muwaadiniinteenna inay Gacanta Dowladda soo geliyaan Hubka aan sharciga aheyn si aan idiin bad baadinno” Dowladduna uma dul qaadan doonto ka Ganacsiga Hubka noocyadiisa kala duwan, ayuu yiri William Ruto.

Dowladda Kenya ayaa wixii ka dambeeyay 2003-dii la dagaallamaysay Hubka sharci darrada ah, waxanay Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay Deb qabadsiisay in ka badan 20’000 oo Qori, markii ay Dalkaasi ka dillaaceen dagaallo ku salaysan aanooyin Qabiil.

Kenya ayaa sheegtay in Sanadkii 2007-dii oo keliya Dalkeeda si dhuumaalaysi ah lagu geliyay qiyaastii 100,000 oo Qori, Hubkaasoo sida ay tilmaantay Dowladdu kasoo gala xaduudaha uu Dalkeedu la leeyahay waddamada Soomaaliya, Itoobiya,Suudaan iyo Yugaandha.

Previous Post

Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

ICT Support Project

Next Post
ICT Support Project

ICT Support Project

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In