Friday, May 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Lazio,Fiorentina,Torino,AC Milan iyo Sassuolo oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Lazio,Fiorentina,Torino,AC Milan iyo Sassuolo oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Cagliari ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Sant’Elia 1-3 uga badiyay kooxda Lazio.

Kooxda Lazio ayaa waxaa sedaxda gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Miroslav Klose, Lucas Biglia iyo Marco Parolo.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaaryahan Modibo Diakite ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Cagliari.

Kooxda Lazio ayaa badisay kulankii todobaad oo xiriir,waxana ay dooneeysaa in ay sanadkan u soo baxdo koobka qaarada yurub ee Champions League-ga.

Kooxda Lazio ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 55-dhibcood,halka kooxda Cagliari ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Fiorentina ayaa garoonkeeda Stadio Artemio Franchi 2-0 uga badisay kooxda Sampdoria.

Kooxda Fiorentina ayaa waxaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Alessandro Diamanti iyo Mohamed Saleh.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 49-dhibcood,halka kooxda Sampdoria ay horyaalka uga jirto kaalinta shanaad,iyadoo leh 48-dhibcood.

Kooxda Atalanta ayaa waxaa garoonkeeda Atleti Azzurri d’Italia 1-2 uga badiyay kooxda Torino.

Kooxda Torino ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Fabio Quagliarella iyo Kamil Glik.

Ciyaaryahan Mauricio Pinilla ayaa goolka kaliya u dhaliyay kooxda Atalanta,waxana dhamaadkii ciyaarta uu qaatay kaarka casaanka ah.

Ciyaaryahan Migjen Basha ayaa sidoo kale dhamaadkii ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Torino.

Kooxda Torino ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Palermo ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Renzo Barbera 1-2 uga badiyay kooxda AC Milan.

Kooxda AC Milan ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Alessio Cerci iyo Jeremy Menez.

Milan

Kooxda AC Milan ayaa gaartay guushii u horeysay oo ay meel garoonkeeda ka baxsan ku soo gaarto ilaa bartamahii October ee sanadkii hore.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 41-dhibcood,halka kooxda Palermo ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 35-dhibcood.

Kooxda Inter Milan ayaa garoonkeeda San Siro barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Parma.

Kooxda Inter ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fredy Guarin.

Ciyaaryahan Andi Lila ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Parma.

Parma

Taageerayaasha kooxda Inter Milan ayaa ku oriyay ciyaartoyda kooxdooda,ka dib markii ay dhamaatay ciyaarta.

Kooxda Inter Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 38-dhibcood,halka kooxda Parma ay horyaalka ugu hooseeyso.

Kooxda Sassuolo ayaa garoonkeeda Stadio Citta del Tricolore 1-0 uga badisay kooxda ChievoVerona.

Ciyaaryahan Domenico Berardi ayaa daqiiqadii 23-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Sassuolo.

Ciyaaryahan Federico Peluso ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Sassuolo.

Kooxda Sassuolo ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 12-aad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda ChievoVerona ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 32-dhibcood.k

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA WARBAAHINTA QARANKA

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Sii-hayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Sii-hayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya “Sawirro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Sii-hayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya "Sawirro"

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In