Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada-shaqeynta ku dhisan walaaltinimada iyo dan-wadaagga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si gaar ah shacabka iyo Dowladda Qatar ula wadaagay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ee ku aaddan xadgudubyadii iyo duqeymihii dhawaan ka dhacay dalka Qatar, isaga oo muujiyay tacsi, taageero iyo garab istaag buuxa oo ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda u hayaan walaalahooda reer Qatar.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Dhankiisa, Safiirka Dowladda Qatar Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka uu ku leeyahay dejinta sharciyada iyo shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka. Waxa uu xusay in Dowladda Qatar ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliso xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo dhoweeyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga oo tilmaamay sida Dowladda Soomaaliya ugu faraxsan tahay in la sii ballaariyo xiriirka dhinacyo badan leh ee labada dal.

Ugu dambeyntiina, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Dowladda Qatar iyo shacabka reer Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In