Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid  looga hadlayay xoojinta dhiirigalinta  iyo garab istaaga dadka qaba baahiyada gaarka ah ayna soo agaasimeen ururka East African Disability ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Puntland Qaar ka mid ah ururada naafada Puntland iyo Galmudug laguna daah furayay xarunta ururka uu ku yeelanayo Gaalkacyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha  Hay’adda   East African Disability Axmed Cumar Maxamed Diini iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Cabdishakuur Xuseen waxaana ay sheegeen in Dalka Mareykanka ay uga yimaadeen sidii ay bulshada ugu boorin lahaayeen in xil gaara la iska saaro dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Gobalka Mudug, maadaama ay leeyihiin Xuquuqaad la mid ah kuwa aan qabin baahiyaha gaarka ah iyaguna  ay ka fureen Galkacyo Xafiiska Hay’adda oo ah hay’ad  ka shaqeeyn doonta Dhiiri galinta Dadka qaba baahiyaha Gaarkaa.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Injineer Maxamed Cabdi Cilmi oo ku hadlayay magaca labada maamul ayaa u mahadceliyay masuuliyiintii ka socatay Hay’adda East African DisApilty, isagoo sheegay in ay maamulada Degmada Gaalkacyo ay si wadajir ah ubixinayaan dhul looga dhiso dadka baahiyaha gaarka ah qaba xarun wax lagu baro laguna dhiiri galiyo

Kulanka oo intii uu socday ay ka hadleen Xubno ka socday ururada Naafada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Madaxda ururada Nabadda ee Haweenka iyo dhallinyarada labada maamul ee gobalka, waxgarad kuwaas oo dhamaantood ka hadlay baahida ay qabaan Naafada ku  nool Gobalka iyo waajibaadka ka saaran bulshada ayaa waxaa gunaanadkii soo xiray Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed waxaana ay sheegeen in ka maamul ahaan ay garab istaagayaan Ururka East African Disability

 

















Previous Post

Kulan loogu ducaynayey Marxuumad Khadiija Maxamed oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka "SAWIRRO"

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In