Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayo Doorashada Soomaaliya 2020-ka oo ka furmay Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayo Doorashada Soomaaliya 2020-ka oo ka furmay Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka furay Kulan wada tashi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka kaasoo looga hadlayo Doorashada lagu wado Soomaaliya inay ka dhacdo 2020.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, iyo Siyaasiyiin waxaana lagu gorfeynayaa qorshaha lagu wajahayo Doorashada qof iyo cod iyo sida Bulshada uga qeyb qaadan karto.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmaya Bulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Kulamadan ayaa ujeedadiisu tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Dhinaca kale Magaalada Doolow waxaa ka furmay kulan wada tashi ah oo isna sidoo kale looga hadlayo sida loo wajahayo Doorashada.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in la soo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wada tashiyo arintaasi ku saabsan.

Previous Post

Shirka baarlamanka F.S. iyo baarlamaannada dowlad goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in la qaban doono Shirweyne Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka+Sawirro

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In