Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Ciidanka maanta lagu wareejiyay sugidda amniga Dhuusamareeb ayaa ka kooban ciidankii hore ee nabad-sugidda iyo booliiska iyo ciidamadii Ahlusunna ee dhawaan la qarameeyay qeybtoodii lagu biiriyay nabad-sugidda iyo booliiska Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka amniga gudaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha gudaha, difaaca iyo howlaha guud iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa ciidamada kormeeray, si uu ugu dhiirri geliyo gudashada mas’uuliyadda wayn ee ay qaadeen, ugana mahad celiyo hannaankii wanaagsanaa ee ay uga soo shaqeeyeen amniga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada kula dardaarmay in hannaanka ugu habboon ay uga shaqeeyaan sugidda amniga caasimada Galmudug iyaga oo wadajira oo aan kala laheyn magacyo kala duwan, kana amar qaata, xuquuqna ku wada leh dowladda federaalka, waxa uuna si gaar ah ugu ballan qaaday ciidamada dhawaan la qarameeyay in xuquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda sida ugu dhaqsaha badan ugu billaabaneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ku boorriyay inay la yimaadaan dulqaad, qalbi wanaag, is-jeceyl, wadaninimo, Soomaalinimmo, tusaalana u noqdaan shacabka, cadawgana baqdin geliyaan, ayaa taliska ciidamada faray inay ciidanka u dhammaystiraan agabka ay u baahanyihiin si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka culus ee ka saaran adkeynta amniga iyo nabad-gelyada magaalada Dhuusamareeb.

Mudane Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dadaalka lagu bixiyay in ciidamada amnigu ay si buuxda uga howl galaan caasimadda Galmudug ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay xasuusnaadaan in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo dal Soomaaliyeed u shaqeynaya lagana doonayo in ay magaalada ka dhigaan mid nadiif iyo ammaan ah oo dadka u wada furan, maadaama sharafta magaaladu ay ku xirantay amniga.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In