Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenka 1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna R/wasaare ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.
Kulankan ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshay Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka, ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka iyo madaxda.
Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurka oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.
Guddoomiye cabdi xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay ugu eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.
24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.