Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lix arrimood oo laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha uu ku maray qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Lix arrimood oo laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha uu ku maray qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud oo kamid ah Goboladda ugu ballaaran ee Soomaaliya, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba maxaa laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maray Deegaanadaas

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Halkan waxaan kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo dhaxal gal ka dhigaya socdaalkaas

1- Xoojinta Dowladdnimada, Madaxweyne Farmaajo, ayaa qaar kamid ah deegaanadii uu tagay dadka ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay in waligood aysan arkin dowlad Soomaaliyeed oo guryahooda kusoo booqaneysa.

2- Waxay wax ka badashay Aragtida Beesha Caalamka ee ku aadan in Ammaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin, taasi oo noqotay inay san waxba ka jirin kadib socdaalka Madaxweynaha.

3-Nabadeyn iyo Dib u heshiisiin, Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay Nabadeyn iyo Heshiis ay kala dhex dhigeen deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo Maleeshiyaad kala taageersan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer ay ku dirireen.

4- Xooijinta Hannaanka Dowlad goboleedyada, Safarka Madaxweynaha JFS uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug,  oo ay ku wehliyeen Madaxweyneyaasha labadaasi Maamul waxaa suurta gashay in Madaxweyne Xaaf Magaalooyin siddii xilkaasi loogu doortay uusan tagin inuu booqdo oo ay kamid tahay Dhuusa mareeb, Guriceel, Xeraala iyo meelo kale, isaggoo la kulmay Qeybaha kala duwan ee bulshada, kalana hadlay tabashooyinka ay qabaan, sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isna yimid Magaaladda Gaalkacyo.

5- In doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya Sanadka 2020

Safarka Madaxweynaha JFS, ayaa waxaa uu iftiimay in Ammaanka Soomaaliya uu yahay mid hagaagsan, islamarkaana ay ka dhici karto Doorasho qof iyo Cod ah.

6- dib u soo nooleynta kaalinta culimada iyo odayaasha, Madaxweynaha Soomaaliya deegaan walbo oo uu tago waxuu la kulmayey Culumaa’udiinka  iyo Salaadiinta, waxuuna ka talo weydiiyey xaaladda dalka iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inta uu ku guda jiray Socdaalkii Nabadda iyo Dib u heshiisiinta ee uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa Magaalooyin ay kamid yihiin Qardho, Cadaado, Cabudwaaq, Gaalkacyo iyo Hobyo uu ka dhagax dhigay Mashaariic horumarineed, isaggoo dhowaan mar Saxaafadda uu la hadlayey sheegay in guddi loo saarayo daba galka iyo fulinta mashaariicda uu kasoo dhagax dhigay magaalooyinkaasi.

WQ:- C/raxmaan Maxamed Gacan

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xarigga ka jaray xafiiska Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisal wasaaraha XFS oo magalaada Davos ee dalk Switzerland kula kulmay madax kala duwan

Next Post
Ra’iisal wasaaraha XFS oo magalaada Davos ee dalk Switzerland kula kulmay madax kala duwan

Ra’iisal wasaaraha XFS oo magalaada Davos ee dalk Switzerland kula kulmay madax kala duwan

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In