Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay wasiirka Caafimaadka,wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda,wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha,wasiir ku Xigeenka Caafimaadka ,xildhibaano, Dhakhaatiir,qaar kamid ah Ururada u dooda dadka araga la’ iyo marti sharaf kale.
Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo kamid ah dhakhaatiirka indhaha ayaa goobta ka sheegay in loo soo jeestay daryeelka indhaha maadaama hal ku dhigga sanadkan uu yahay in la ilaaliyo caafimaadka indhaha, isagoo halkaasina ka balan qaadan ka sameeyay.
Dr C/samad Maxamed Xasan oo ku hadlayay magaca isu tagga dhakhaatiirta Indhaha oo munaasabada soo qaban qaabiyay ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka dhakhaatiirta indhaha guud ahaan Soomaaliya.
Mid kamid ah ka soo qeyb galayaasha munaasabada oo qudhiisa kamid ah dadka araga la’ ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololaha looga soo horjeedo arag la’aanta dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale munaasabadda waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulo iyagoo codkooda ku biireyay dadaalada dhakhaatiirta ay ugu jiraan ka hortagga arag la’aanta.
Wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed uga mahadcelisay howsha ay u hayaan dadka Soomaaliyeed iyadoo wasaaradda caafimaadka ka codsatay in ay nidaam qaranka loo sameeyo si Arrintaan xooggana loo saaro.
Ugu dambeyntii wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa balan qaaday in wasaaraddu sameyn doonto guddiga qaran oo Arrintan wax ka qaban doono.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa la xusay dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee geeriyootay kuwaas oo indhaha daryeelkooda ka shaqeyn jiray, Sanadkasta waxaa Adduunka laga xusaa maalinta araga aduunka.