Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June sanad kasta, waxaana munaasabaddaas si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo kahadlay Munaasibadaasi ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo siwadda jira u soo qaban qaabiya munaasibadani sanad walba markay ku aadan tahay ‘’16th June’’ , sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in daryeelka iyo waxbarashadda dhalaanku ay tahay shaqadda ugu muhiimsan ee loo bahan yahay in bulshadu wakhti badan geliyaan si loo helo dhalaan tayo iyo tacliin wanaagsan leh.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Sidoo kale Cabdiweli Gaas oo ka tala bixiyey barbaarinta caruurta ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga feejinaado dhalaan ku ababay dhaqan ku salaysan anshax xumo iyo kuwo leh dhaqankii iyo cadooyinka 30-kii sano ee ugu danbeeyey kuwaas oo ragaadiyey dawlad nimadeena,

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay waalidiinta inay caruurtooda ku carbiyaan  ama ku ababiyaan dhanka wanaagsan ee ku salaysan diinteena Islaamka kaas oo ka beriya faldenbiyeed yadda uu ilmuhu ka arko waalidkii amaba uu caruutiisa waalidku ugu sheekeeyo waxaan dhaqan wanaagsan ahayn ay tahay mid majara habaabin karta  caruurta .

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland ka qayb tahay dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda carruurta, waxaan uu sheegay madaxweynuhu inay ka kooban yihiin afar qaybood oo kala ah

  • Badbaadin,
  • Horumarin
  • Difaacid iyo
  • Ka qayb gelid

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Xaaji Muumin iyo Wasiirka Waxbarashada Abshir Aw-Yuusuf  Ciise iyo sidoo kale Wasiirka Cadaaladda  Saalax Xabiib Jaamac ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedka munaasabadda oo sanadkasta la xuso, waxayna tilmaameen in dhowrista iyo daryeelka caruurtu ay tahay muhiim Allena waajib inagaga dhigay.

Previous Post

Markab gargaar sida oo Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya-Sawirro

Next Post

Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirweynaha Wadatashiga ee Hannaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya

Next Post

Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirweynaha Wadatashiga ee Hannaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In