Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha ee Matalaadda gobolka Banaadir yeelanayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha ee Matalaadda gobolka Banaadir yeelanayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa soo dhoweeyey go’aanka taariikhiga ah ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay in Gobolka Banaadir Matalaad ku yeesho Aqalka Sare, iyadoo ay heli doonto Banaadir 13 kursi.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 bisha January 2021, waxaan halkan doonayaa inaan mahad balaaran uga jeedinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabddullaahi Farmaajo oo runtii qalinka ku duugay matalaaddii gobolka Banaadir oo in muddo ah bulsho weynta gobolka banaadir ay ka sugayeen, waxaan leeyahay, waan kaaga mahadcelinayaa haddii aan nahay bulshada Banaadir, aniga oo ku hadlaya magaca bulshada Banaadir” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Duqa Caasimadda ayaa xusay in matalaadda gobolka banaadir oo ah 13 kursi oo ay ku yeelanayan Golaha Aqalka Sare ee dalka in ay kal hore meel mariyeen labada Gole ee dowladda kadib markii uu Madaxweynaha codsi u jeediyay labada gole, isagoo intaa ku daray in bulshada Gobolka Banaadir ay dhigeen banaan baxyo nabadeed oo loogu mahadcelinayay Madaxweynaha., Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

“Arrintan waa arrin taariikhi ah, waana arrin sharaf u ah bulshada Benaadir, waan soo dhaweyneynaa, waana muujin doonaa sida aan u taageersannahay ama aan uga mahadcelineyno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

Previous Post

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Itoobiya oo guryo loo dhisayo

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra'iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In