Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha ee Matalaadda gobolka Banaadir yeelanayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha ee Matalaadda gobolka Banaadir yeelanayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa soo dhoweeyey go’aanka taariikhiga ah ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay in Gobolka Banaadir Matalaad ku yeesho Aqalka Sare, iyadoo ay heli doonto Banaadir 13 kursi.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 bisha January 2021, waxaan halkan doonayaa inaan mahad balaaran uga jeedinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabddullaahi Farmaajo oo runtii qalinka ku duugay matalaaddii gobolka Banaadir oo in muddo ah bulsho weynta gobolka banaadir ay ka sugayeen, waxaan leeyahay, waan kaaga mahadcelinayaa haddii aan nahay bulshada Banaadir, aniga oo ku hadlaya magaca bulshada Banaadir” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Duqa Caasimadda ayaa xusay in matalaadda gobolka banaadir oo ah 13 kursi oo ay ku yeelanayan Golaha Aqalka Sare ee dalka in ay kal hore meel mariyeen labada Gole ee dowladda kadib markii uu Madaxweynaha codsi u jeediyay labada gole, isagoo intaa ku daray in bulshada Gobolka Banaadir ay dhigeen banaan baxyo nabadeed oo loogu mahadcelinayay Madaxweynaha., Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

“Arrintan waa arrin taariikhi ah, waana arrin sharaf u ah bulshada Benaadir, waan soo dhaweyneynaa, waana muujin doonaa sida aan u taageersannahay ama aan uga mahadcelineyno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Previous Post

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Itoobiya oo guryo loo dhisayo

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kalmay Ra'iisul wasaare ku xigeenka Dalka Itoobiya

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In