Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiintan oo ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, uuna hoggaaminayo Dr. Jamaal oo ah madaxa Maleeyriyada ee hey’adda ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyagoo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ka caawinaya dhaqaajinta mashaariicda caafimaad ee Galmudug hore u dalbatay.

Wafdigan oo ka koobnaa farsamo-yaqaano iyo khubaro Caafimaad ayaa kormeeray xarunta Caafimaadka Xanaano ee Dhuusamareeb, gaar ahaan qaybaha, Hooyada iyo dhallaanka, qaybta bukaan jiifka, qaybta talaalka iyo qaybta oxygen-nada oo dhamaantood adeeg dhameystiran siiya bulshada ku nool Dhuusamareeb iyo deeganada ku xeeran.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Agaasimo waaxeedyada ayaa kulan kula yeeahay Mas’uuliyiiinta WHO xarunta Wasaaradda Caafimaadka, halkaa oo lagu wadaagey xogta Caafimaad ee Galmudug iyo baahiyaha waaweyn ee wax ka qabashada u baahan.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo kulanka kadib Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in madaxda ka socotay Hay’adda caafimaadka Adduunka ay sheegeen inay xoojinayaan adeegyada ay ka caawiyaan isbitaalka.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Galmudug ka caawisa dhinacyada kala duwan ee adeeg bixinta Caafimaadka ayay dhowr jeer Mas’uuliyiiin ka socota soo booqdey Dhuusamareeb oo ay qiimeyn ku sameeyeen xaaladaha rasmiga ah ee ka jira xarumaha Caafimaad, kuwaa oo iminka lafilayo in laga bilaabo mashaariic ay ka mid yihiin wax ka badalka nidaamka korontada ee Isbitaalada waaweyn.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Golaha Deegaanka Degmada Waajid iyo Ururka Haweenka “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In