Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Caafimaadka Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiintan oo ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, uuna hoggaaminayo Dr. Jamaal oo ah madaxa Maleeyriyada ee hey’adda ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyagoo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ka caawinaya dhaqaajinta mashaariicda caafimaad ee Galmudug hore u dalbatay.

Wafdigan oo ka koobnaa farsamo-yaqaano iyo khubaro Caafimaad ayaa kormeeray xarunta Caafimaadka Xanaano ee Dhuusamareeb, gaar ahaan qaybaha, Hooyada iyo dhallaanka, qaybta bukaan jiifka, qaybta talaalka iyo qaybta oxygen-nada oo dhamaantood adeeg dhameystiran siiya bulshada ku nool Dhuusamareeb iyo deeganada ku xeeran.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Agaasimo waaxeedyada ayaa kulan kula yeeahay Mas’uuliyiiinta WHO xarunta Wasaaradda Caafimaadka, halkaa oo lagu wadaagey xogta Caafimaad ee Galmudug iyo baahiyaha waaweyn ee wax ka qabashada u baahan.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo kulanka kadib Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in madaxda ka socotay Hay’adda caafimaadka Adduunka ay sheegeen inay xoojinayaan adeegyada ay ka caawiyaan isbitaalka.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Galmudug ka caawisa dhinacyada kala duwan ee adeeg bixinta Caafimaadka ayay dhowr jeer Mas’uuliyiiin ka socota soo booqdey Dhuusamareeb oo ay qiimeyn ku sameeyeen xaaladaha rasmiga ah ee ka jira xarumaha Caafimaad, kuwaa oo iminka lafilayo in laga bilaabo mashaariic ay ka mid yihiin wax ka badalka nidaamka korontada ee Isbitaalada waaweyn.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Golaha Deegaanka Degmada Waajid iyo Ururka Haweenka “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gabagabeysay shirka Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In