Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka “SAWIRRO “

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka “SAWIRRO “
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug mudane Cali daahir ciid iyo wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Saciid Siyaad Shirwac oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta mashruuca biyoole ayaa dhagax dhigey dhismaha cusub ee Wasaaradda deegaanka oo ka bilaabanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Xaruntan oo loo dhisayo hab casri ah ayaa noqon doonta xafiisyada maamulka guud ee Wasaaradda deegaanka Galmudug, waxaana lafilayaa in ay qayb ka noqon doonto Wasaaraddu kuwa ugu sareeya dhanka dhismayaasha guud ahaanba Wasaaraddaha Galmudug ee intooda badan mudooyinkan ku howlanaa sidii ay u yeelan lahaayeen xarumo dhexe oo laga hago shaqooyinka socda.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Maxamed xuseen cabdi, Iskuduwaha Mashruuca biyoole ee dhismaha Wasaaraddani qaybta ka yahay ayaa faah faahiyey habka loo agaasimey howshan bilaaban doonta.

Saciid Siyaad Shirwac, wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug ayaa dhankiisa ka mahad celiyay dib u dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Ugu dambeyn Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa  kaga mahad celiyay cid kasta oo qayb ka noqotay fududeynta taageerada lasiinayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug ayaa qayb ka ah mashaariic si isku mid ah uga bilaabmay Magaalada Dhuusamareeb oo lagu hirgalinayo qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaraddaha Galmudug.

Previous Post

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

Next Post
Prime Minister Roble opts consultative meeting to be successful

Ra'iisul Wasaare Rooble oo magacabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In