Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo dhagax dhigay waddooyin “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 26, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo dhagax dhigay waddooyin “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo kusoo maray qaybo kamida magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga u ah Puntland.

Kormeerka uu maanta ku marayey magaalada Boosaaso  ayaa waxaa ku weheliyey gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), duqa degmada Bosaaso Eng. Yasiin, taliyaha qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Ugu horayn horayn Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu dhagax dhigay waddo cusub oo laamiya oo dhererkeedu yahay  hal kiiloo mitir iyo lixboqol iyo konton mitir, wadadaas oo laga hirgelinayo xaafada New Boosaaso oo kamida xafadaha waaweyn ee magalada Boosaaso.

Jidkan laamiga ah ee uu Madaxweynaha dawladd goboledka Puntland maanta dhagax dhigay  ayaa waxaa loo bixiyey Ugaas Yaasiin, wuxuuna noqonayaa jidkii 11-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso mudo labo sanadood gudahooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay jid cusub oo laamiya oo isna laga hirgelin doona xafada laanta hawada ee magalada Boosaaso, jidkaas oo loo bixiyey Beeldaaje Cabdilaahi ayaa noqonaya jidkii 12-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso.

Dhinaca kale  Dr Cabdiweli Gaaas ayaa soo kormeeray dhismaha  suuq cusub oo laga hirgelinayo badhtamaha magalada Bosaaso,  dhismaha suuqa cusub ayaa waxaa hirgelinaya dawladda Jaban, wuxuuna suuqani noqon doonaa suuq casriya oo ka kooban afar qaybood oo waaweyn oo dadku ka adeegtaan, suuqaasoo laga hirgeliyey xaafatul Carab.

“Mashaariicda kala duwan ee laga hirgeliyay magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland waa tallaabo hore loo qaaday, waana ku bogaadinayaa mamulka gobolka Bari  iyo kan degmada Boosaaso ka qaybgalkooda fulinta mashaariicdan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso, markasta muhiimada waxaanu siinayney horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waana ku dedaalaynaa in isbeddel iyo horumarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kaleba waxaan ku adkaynayaa inay ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey deegaankooda una diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga mashaariicda horumarineed ee imaan doona” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

IMG_9645  IMG_9649 IMG_9654 IMG_9659 IMG_9662 IMG_9667  IMG_9674  IMG_9681 IMG_9686 IMG_9690 IMG_9698 IMG_9699  IMG_9704 IMG_9719 IMG_9725 IMG_9727  IMG_9732 IMG_9735 IMG_9736 IMG_9742 IMG_9744 IMG_9745  IMG_9754 IMG_9756 IMG_9759 IMG_9762 IMG_9765 IMG_9780   IMG_9791 IMG_9796 IMG_9829 IMG_9830 IMG_9833 IMG_9836  IMG_9853 IMG_9856 IMG_9858 IMG_9866 IMG_9878 IMG_9885 IMG_9898 IMG_9903 IMG_9905  IMG_9913 IMG_9919 IMG_9926 IMG_9928 IMG_9930 IMG_9935

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada oo ka qeyb galay Shir lagu qabtay Tunisia (SAWIRRO)

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada oo ka qeyb galay Shir lagu qabtay Tunisia (SAWIRRO)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada oo ka qeyb galay Shir lagu qabtay Tunisia (SAWIRRO)

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In